Hogaanka Sare ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo Umadda Muslimka ah Ugu hambalyeeyay Munaasabadda Ciidul-Fidriga.(Dhagayso)

Kalimad muhiim ah oo uu jeedinayo Sheekh Cali Maxamuud Raage Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goordhow la baahiyay, waxaana kalimadan oo la dhageysan karo kudhawaad 20 daqiiqo uu Sheekhu ugu hambalyeynayaa muslimiinta caalamka munaasabadda ciida.
Sheekh Cali ayaa ugu horeyn wuxuu muslimiinta caalamka meel weliba oo ay joogaan, iyo gaar ahaan ciidamada Mujaahidiinta ee ku sugan furimaha kala duwan ee Jihaadka sida bariga Africa, Khuraasaan, Yaman, Shaam iyo meel weliba oo uu qof mujaahid ah joogo ugu hambalyeeyay ciida.
Wuxuu sheekhu sheegay in Allaah fadligii kadib ay Mujaahidiintu sabab u yihiin dhulka lagu maamulayo ku dhaqanka Shareecada Islaamka, haddii iyagu ay furimaha kasoo baxaana wilaayaatka Islaamiga ay lamid ahaan lahaayeen qaar kamid ah wadamada muslimiinta oo laga la’yahay masjid lagu tukto.
Xaaladda Wilaayaatka Islaamiga ayuu kusoo hadal qaaday kalimadiisa Sheekh Cali Dheere, wuxuuna sheegay fadlig Allaah in wilaayaatku weli yihiin kuwa taagan, iyadoo ay jiraan mu’aamaraat iyo xamalaat lagu doonayay in lagu burburiyo.
Dhanka Shisheeyaha wuxuu Sheegay Sheekhu iney jabeen, kana badan la’yihiin qeyla dhaanta ay warbaahinta ka jeedinayaan, islamarkaana awoodin iney xitaa saheyda isku gudbiyaan.
Halkan ka dhagayso Kalimadda Sheekh Cali Dheere ee Hambalyada Munaasabadda Ciida