wararka

Idaacadda Al-furqaan oo Dadka Muslimiinta Ah Ugu Hambalyeysay Ciidul Fidriga.

Maamulka iyo howlwadeennada Idaacadda islaamiga ee Al-furqaan waxay Umadda Islaamka gaar ahaan shacabka Soomaaliyeed ee muslimka ah ugu hambalyeynayaan munaasabadda Ciidul-fidril Mubaarak.

Waxaan leenahay Umadeena gaar ahaan dhagaystayaasheena dal iyo dibad meel weliba oo ay joogaan
تقبل الله منا ومنكم صالح الأعمال..

Waxaan Nafteena iyo tiinaba ku boorineynaa inaan ku dadaalno sidii farxadda maalmaha ciida ay inoola wadaagi lahaayeen dadka danyarta ah ee jooga meel weliba, qof kastana haku dadaalo in ugu yaraan uu ciid siiyo labo ama mid kamid ah caruurta muslimiinta gaar ahaan kuwa Agoomaha.

Nabiga SCW wuxuu Xadiith ka sugnaaday ku yiri:-

وهل تنصرون وترزقون إلا بضعفائكم!

Ugu dambeyn markale waxaa idin leennahay Ciid mubaarak, Alle acmaashii kheyraadka ahaa ha inaga aqbalo.

Maamulka iyo Howlwadeennada Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan.

01-Shawaal-1439

Image may contain: text

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*