Inkabadan 100 Ruux Oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday Dab ka kacay Nairoobi.

Suuq weyn oo aad u mashquul badan kuna yaala magaalada  Nairoobi ee caasimadda dalka Kenya ayaa saqdii dhexe ee xalay waxaa ka kacay dab xoogan oo geystay khasaare isugu jira maadi iyo mid nafeed.

Dabkan oo aan la ogeyn waxyaabaha sababy ayaa qabsaday dhismayaasha ganacsi ee ku yaala suuqa Gikomba oo kamid ah suuqyada ugu mashquulka badan magaalada caasimadda ah ee Nairoobi.

Ugu yaraan 20 ruux ayaa ku dhimatay dabkan, halka kudhawaad 100 ruux oo kalana ay waxyeello daran kasoo gaartay, waxaana qaar kamid ah dadka gubtay ay xaaladooda tahay mid liidata.

Goobo ganacsi iyo dhismayaal kala duwan oo ku yaala suuqa Gikomba ayaa gebi ahaanba basbeelay, waxaana ku gubtay wixii hanti iyo agab ahaa ee dhex yiilay.

Dadka ugu badan ee dhintay waxay ahaayeen ganacsatada Suuqa oo markii ay ogaadeen in mehradahooda ganacsiga uu dab qabsaday isku dayay iney badbaadsadaan hantidooda.

Kooxaha dab damiska ayaa xakameyn kari waayay dabka oo kacay saq dhexe ee xalay, waxaana ay ku guuleysteen iney damiyaan aroornimadii hore ee saaka.

Marar badan ayuu dab ka kacay suuqa Gikomba oo kamid ah suuqyada ugu muhiimsan ee caasimadda Nairoobi ku yaala, waxaana muuqata in dabka ka kacay suuqan marar badan uu ula kac yahay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.