Itoobiya Oo Shidaal ka Qodeysa Dhulka Gumeysiga ku jira ee Soomaali-galbeed.

Magaalada Jig-jiga ee Soomaali-galbeed.

Dowladda Itoobiya ayaa billaabeysa in shidaal ay ka qodo dhulka hodanka ah ee Soomaali-galbeed, kaas oo sanado badan ku jira gumeysiga Xabashida Itoobiya.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay, kuna soo beegay maalintii Soomaaliya ay xurnimada qaadatay ayaa shaaca ka qaaday iney billaabayaan iney shidaalka ceyriinka ah ka qodaan dhulka Soomaali-galbeed ee ay iyagu xooga ku heystaan.

Shirkad lagu magacaabo POLY-GCL oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayay dowladda Itoobiya heshiis kula gashey iney qodo shidaalka, waxaana shirkadan ay shaaca ka qaaday iney ogaatay deegaanno uu hodan ka yahay shidaalka ceyriinka oo kamid ah Soomaali-galbeed.

Xajmiga shidaalka hadda la ogaaday ayaa lagu qiyaasayaa 6 illaa 8 Trillion, waxaana shidalakan faraha badan marka lasoo saaro la geyn doonaa magaalada Adis-Ababa iyo magaalooyin kale oo katirsan Itoobiya, iyadoona markaas loo dhoofin doono caalamka kale.

Waxaa nasiib darro ah in kheyraadka dhulkeena uu caanka yahay ay maalin cad qaataan Xabashida Itoobiya oo colaad waaya fog soo billaabatay kala dhexeyso umadda Soomaaliyeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.