Kudhawaad 40 Askari Kenyan ah Oo Dhimasho iyo Dhaawac ku noqday Kamiin Ka dhacay Wajeer.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Wararka ka imaanaya dhulka Kenya ay gumeysiga ku heysato ayaa sheegaya in kamiin culus oo khasaare adag lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya uu ka dhacay gobolka Wajeer oo kamid ah dhulka Soomaaliyeed ee Kenya ay maamusho.

Kamiinka waxaa dhigay ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana loo dhigay ciidamo Kenyaan ah oo ku socdaalayay wadada.

Dagaal ayaa in muda ah goobta ka dhacay, waxaana khasaare ballaaran lagu gaarsiiyay ciidamada Kenya, iyadoona waxyeello ay soo gaartay qaar kamid ah gawaaridii ciidamada Kenyaanku wateen.

Ugu yaraan 15 askari kenyaan ah ayaa ku dhintay kamiinka, 23 kalana way ku dhaawacmeen, halka la gubay gaari xamuul ah oo ay ciidamada Kenyaatigu ku wateen sahay ciidan.

Howlgallada ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka dhanka ah ciidamada Kenya ayaa si firfircoon waxay uga socdaan gudaha dhulka Kenya ay gumeysiga ku heysato.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.