Maxkamadda Sare ee Maraykanka Oo qalinka ku duugtay Go’aan kasoo baxay Trump.

Donald Trump madaxweynaha cunsuriga ee Maraykanka ayaa soo saaray go’aan uu kaga mamnuucay dadka u dhashey shan wadan oo ay leeyihiin dadka muslimiinta inay gudaha u galaan dalka Maraykanka.

Muwaadiniinta loo diiday iney galaan Maraykanka waxay kasoo jeedaan shan wadan oo kala ah Suuriya, Liibiya, Soomaaliya, Yaman iyo dalka Iiiraan, waxaana Trump uu wadamadan ku eedeynayaa dadka kasoo jeeda iney yihiin waxa uu ugu yeeray Argagaxisada.

Maxkamadda ugu sarreysa Maraykanka  oo u fadhiisatay arintan ayaa ugu dambeyn sharci ku tilmaamtay go’aanka madaxweynaha, taas oo guul u ah Trump, maadamaa go’aanno hore oo uu gaaray ay maxkamaddu ka hortimid.

Sagaal qaadi oo eegeysay arintan ayaa shan kamid ah waxay u codeeyeen inuu saxyahay, halka afarna ay kahor yimaadeen, waxaana sidaas ku meel maray go’aanka Trump.

Trump ayaa cadaawad dheeri ah u haya muslimiinta caalamka, waxaana markii uu waday ol-olaha doorashooyinka uu ballanqaaday inuu hakin doono muslimiinta soo gala gudaha wadanka Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.