Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed Oo ka badbaaday Isku day dil.
Caasimadda wadanka Itoobiya magaalada Adis-Ababa waxaa laga soo sheegayaa in qarax xoogan uu ka dhacay goob uu ku sugnaa Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiye Axmed, islamarkaana ay ku banaanbaxayeen taageeriyaashiisa.
Qaraxa oo sida muuqata ah bambaanooyinka gacan ku sameyska ah ayaa dhacay xilli uu Ra’iisul wasaaruhu daawanayay Taageeriyaashiisa, goobtana ay ka socodeen khudbado ay jeedinayaan siyaasiyiin iyo dad katirsan Taageeriyaasha xisbiga Ra’iisul wasaaraha.
Muuqaallo lagu baahiyay baraha Internetka waxay muujinayaan iyadoo uu qaraxu dhacayo, islamarkaana baqdin iyo naxdin ay soo wajahday Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, waxaana si deg deg ah isugu gedaamayay Abiye Axmed ciidamada Amaanka.
Goobta uu Qaruxu ka dhacay waxaa ku sugnaa malaayiin ruux oo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya taageersan, waxaana la ogeyn inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah inuu ka dhashey qaraxa iyo inkale.
Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa durba lagala cararay goobta, si loo sugo amaankiisa gaarka ah.
Kalimad hadda uu Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ka jeedinayo Tvga wadanka Itoobiya ayuu ku sheegay inuu ka badbaaday isku day lagu doonayay in lagu dilo, islamarkaana uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashey qaraxa.
Qaraxan ayaa muujinaya isbedel horleh oo uu lugaha lasii galayo dalka Itoobiya, waxaana uu daaha ka rogayaa iney weli jiraan dad mucaaradsan maamulka Itoobiya.