Qarax Ka dhacay Libooya Oo lagu laayay Ciidamo Kenyaati ah.(Sawirro)

Qarax Miino oo aad u xoogan ayaa haleelay gaari nooca dagaalka ah oo ay saarnaayeen ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa lala eegtay gaari nooca xamuulka ah oo ay wateen ciidamo Kenyaati ah oo ka badan 2o Askari, waxaana dhamaantooda ay ku baaba’een qaraxaas.

Gebi ahaanba Gaariga la qarxiyay ayaa gubtay, waxaana wararka la helayo ay xaqiijinayaan in dhamaan ciidamadii saarnaa gaariga ay noqdeen kuwa dhintay iyo kuwa dhaawacmey.

Ugu yaraan 25 Askari Kenyaati ah ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday qaraxan.

Warbaahinta Kenya ayaa qiraya in qaraxan dhimasho iyo dhaawac ay ku noqdeen 10 Askari, balse xaqiiqda tirada intaas way ka badantahay.

Sawirro la baahiyay waxay muujinayaan burbur xoog leh oo gaaray gaariga uu qaraxu haleelay.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.