Qaraxyo Ka dhacay Magaalada Baydhabo Oo ay ku suganyihiin Madax katirsan Dowladda.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobollada Baay iyo Bakool ayaa sheegaya in qaraxyo xalay ruxeen qeybo kamid ah magaalada Baydhabo.

Rag hubeysan ayaa qaraxyo bambaanooyin ah ku weeraray saldhig booliis oo ku yaala Isgoyska Afar Irdoodka ee bartamaha magaalada Baydhabo.

Dhowr bambo ayaa ku dhacday gudaha saldhiga la weeraray, waxaana markaas kadib rasaas furay ciidamada ku sugnaa saldhiga.

Lama oga khasaaraha ka dhashey qaraxyadaas, waxaana ay kusoo aadeysaa iyadoo magaalada ay ku suganyihiin madax katirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ka qeybgalaya shir looga hadlayo arimaha Amaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.