Qaraxyo Lagu dhaawacay Gudoomiyiha Shabeellaha Hoose, Askar Amisom-na lagu dilay Oo ka dhacay Shabeellaha hoose.

Qarax ka dhacay deegaanka Siinka-dheer ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa lagu dhaawacay xubno katirsan maamulka gobolka Shabeellaha-hoose ee dowladda federaalka oo uu ugu weynyahay gudoomiyaha gobolkaas.

Wararka ay heleyso Al-Furqaan waxay ku waramayaan iney dhaawacmeen gudoomiyaasha gobolka Shabeellaha hoose iyo kan degmada Lafoole, laman oga dhaawaca gaaray halka uu gaarsiisanyahay.

Ciidamo katirsan ilaaladooda oo la socoday ayaa ku le’day qaraxan oo dhacay goordhow.

Warbaahinta qaar ayaa sheegeysa in dhaawacyada labada gudoomiye la geeyay isbitaal ay Shisheeyuhu ku leeyihiin magaalada Muqdisho.

Dhanka kale qarax ayaa lala eegtay ciidamo katirsan Shisheeyaha AMISOM oo ku socdaalayay gobolka Shabeellaha hoose.

Ciidamo katirsan AMISOM Oo lugeynayay inta u dhexeysa Danow iyo Golweyn ayaa qarax culus lala eegtay, waxaana durba goobta ku dhintay saddex askari oo katirsan Shisheeyaha.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.