Saraakiil iyo Askar Maraykanku Tababaray Oo Lagu dilay Howlgal Ka dhacay Shabeellaha-Hoose.
Sida ay xaqiijinayaan warar ay heleyso Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan, waxaa qarax aad u culus lala eegtay gaari ay saarnaayeen ciidamo iyo saraakiil katirsan dowladda federaalka, gaar ahaan kuwa sida dhow ula shaqeeya Maraykanka.
Qaraxan oo ahaa mid aad u xoogan ayaa dhaliyay khasaare farabadan oo gaaray ciidamada Maraykanka uu tababaray ee soomaalida ah, waxaana dadka dhintay ku jira sarkaal sare oo ciidamadaas hogaaminayay.
Maxamed Cabdi Siciid oo ahaa taliye ciidan oo katirsan ciidamada Pankarafta iyo 11 askari oo kale ayaa ku dhintay qaraxan oo ka dhacya duleedka magaalada Wallaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose, halkaas oo uu ku yaalo saldhiga Ballidoogle oo fariisin u ah ciidamada Maraykanka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxan lagu laayay ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Maraykanka uu tababaray.
Marar badan ayaa qaraxyo noocan oo kale ah waxaa lala eegtay ciidamada uu Maraykanku tababaray, iyagoo ku safraya wadada xiririisa Muqdisho iyo Walla-weyn, khasaare ban’an ayaana ku gaaray.