Sawirro: Hey’adda Al-Ixsaan oo U Gurmatay Dadka Deegaana Buulo Iidoow Iyo Markabka Ee Magaalada Bu’aale.
Jamciyadda kheyriga ah ee Al-Ixsaan iyo wilaayada islaamiga ah ee jubooyinka oo kaashanaya iyo qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed ayaa gurmad isugu jira raashin iyo dawo gaarsiiyay qaar ka mid ah dadka deegaano hoos taga degmada bu’aale ee gobalka jubada dhexe.
Dadka loo gurmaday waxaa saameeyay webiga jubba oo si aad ah u fatahaya isla markaana la tegay dalagyada beero kumanaan qoys ku tiirsanaayeen.
Bulsahda deegaanada buulo iidow iyo markabka oo hoos taga bu’aale ayaa la siiyay raashin isugu jira bariis, sonkor iyo saliid iyagoo muujiyay sida ay arintaa ugu faraxsan yihiin.
Saraakiil caafimaad oo ka socatay hay’adda al ixsaan ayaa bulshada qaarkeed o cuduro la il darnaa la kulmay iyagoo dawooyin lacag la’aan ah siiyay.
Waxaa adag in deegaanada dadku ku dhibaateysan yihiin la gaaro waxaana gudiga gurmadka ee wilaayada jubooyinka iyo hay’adda al ixsaan adeegsanayeen doomo markii ay dadkaan u gurmanayeen.
Waayadaanba jubooyinka waxaa ka socday howlo lagu garab istaagayo dadka fatahaaddu saameysay ee beerahoodii biyuhu xaaqeen isla markaana ay ka barakiyeen tuulooyinkii ay degganaayeen.