Sawirro:Maalintii Saddexaad Tartanka Dadka Waaweyn Oo ka socoda Wilaayada Shabeellaha Hoose.
Waxaa si habsami leh uga socda wilaayada islaamiga ee Shabeellaha hoose tartanka dadka waaweyn oo sanadkan markii ugu horeysay lagu qabanayo Wilaayaadka Islaamiga.
Tartamiyaasha oo u tartamaya Wilaayaadka Islaamiga ee Soomaaliya ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa muujinaya juhdi ballaaran, waxaana dhamaantooda ka muuqata xifdiga ballaaran ee ay u hayaan Quraanka Kariimka.
Maanta Waxaa dadka tartamay kamid ah tartamayaal ka socoda Wilaayaadka Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Jubbooyinka iyo wilaayaad kale.
Dhawaan ayaa lagu wadaa in laso gebegebeeyo Tartanka, islamarkaana guddiga Tartanka uu ku dhawaaqo dadka galay kaalmaha koowaad ee Musaabaqada Quraanka Kariimka.