Tartanka Qur’aanka Dadka Waaweyn Ee Wilaayaadka Islaamiga Ah oo Maanta Ka Furmay Sh/hoose.(Sawirro)

Gobolka Sh/hoose ayaa waxaa maanta Axad ah, si rasmi ah uga furmay tartan aad u xiiso badan oo u dhaxeeya wilaayaadka islaamiga ah ee ay maamusho Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab

Tartankan oo ah mid noociisu cusub yahay ayaa waxaa ka qeyb galaya dadka ka weyn da’da qaan gaarnimada, halka kuwii hore ay wilaayaadka ku metali jireen dadka ay dad’doodu ka hooseyso 15, sano.

Maamulka islaamiga ah ee Sh/hoose, oo nasiib u yeeshay inuu marti galiyo tartankan, ayaa juhdi badan ku bixiyay qaban qaabadiisa iyo soo dhaweynta martida Ahlul Qur’aanka ah ee ka kala timid 11, wilaayo oo kala ah, Mudug, Galgaduud, Hiiraan, Sh/dhexe, Banaadir, Sh/hoose, labada Jubbo, Gedo, Bay iyo Bakool.

Arrinta sida gaarka xiisaha u leh ayaa waxay tahay in dadka tartanka ka qeyb galayaahi ay ka kooban yihiin qeybaha bulshada sida: ganacsatada, beeraleyda, macallimiinta iyo odayaasha.

Sidoo kale Jamciyadda Qur’aanka kariimka ah ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa iyana si qurux badan oo ay khibradi ku dheehan tahay u diyaariyay geedi socodka tartanka iyo nidaamka su’aalo weydiinta oo ahaa hab daah furan oo qof walba u sahlan inuu fahmo sidey wax u socdaan.

Tartankan oo halkudheg looga dhigay “Al-Maahiru Bil Qur’aan” Abaaro saacaddu marekey ahayd 10:00, barqanimo si rasmi ah uga billowday masjidka Quba ee degaanka Kuunyo Barrow, iyadoo munaasabadda furitaanka ay kasoo qeyb galeen mas’uuliyiin ka kala tirsan wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, gudiga garsoorka, culimo, ka qeyb galayaasha tartanka iyo boqollaal dad weyne ah.

Waaliga wilaayada islaamiga ah ee Sh/hoose, Sh/Muxamad Abu Usaama, ayaa ku dhawaaqay inuu tartanka furan yahay, wuxuuna martida ugu baaqay iney ku soo dhawaadaan niyad sami iyo sacabo furan.

Sidoo kale Sh/Cumar Xayaakallah, oo kamid ah culimada diinta islaamka ayaa xafladda ka jeediyay kalimad ku saabsan fadliga Qur’aanka iyo sida loo baahan yahay in mar walba muhiimadda loo siiyo Kalaamka Allaah, haddey ahaan lahayd barashadiisa, difaaciddiisa iyo ku dhaqankiisa intaba.

Intaasi kadib, gudiga tartanka ayaa dhankooda waxay faahfaahin ka bixiyeen habka uu u soconayo iyo wadiiqooyinka iney maraan looga baahan yahay ka qeyb galayaasha, iyagoo soo bandhigay sanduuq uu qof walbaahi si nasiib ah uga helayo warqad ay ku qoran yihiin aayadihii la weydiin lahaa iyo xilliga uu fagaaraha imanayo.

Tartame ka socda wilaayada Banaadir, ayaa nasiib u yeeshay in isaga labu billaabo tartanka. Haddaba dhageystayaasheena waxaan u ballan qaadeynaa inaan maalin walba usoo gudbin doonno akhbaaraadka tartankan, insha’allah.

Kalimaadka laga jeediyay furitaanka Tartanka waxaan ku dhageysan kartaan wararka iyo barnaamijyada Idaacadda Inshaa’Allaah.

 

 

 

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.