Waaliga Jubbooyinka Oo ka hadlay Dagaallada Ka socoda Jubbooyinka.(Dhagayso Q:2-aad Waraysi)

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla oo waraysi siinaya Al-Furqaan.

Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Jubbooyinka ayaa qeybta labaad waraysi uu siiyay Idaacadda Islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu kaga hadlay dagaallada ka socoda gobollada Jubbooyinka ee dhexmaraya ciidamada Mujaahidiinta iyo Isbaheysiga Shisheeyaha.

Waaligu wuxuu sheegay in ciidamada Mujaahidiintu ay iska  caabinayaan Shisheeyaha, islamarkaana Mujaahidiintu guulo ballaaran ay kasoo hooyeen dagaallada ay kaga soo horjeedaan Shisheeyaha oo gacan siinaya maamulka Jubbaland.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Wilaayada ayuu soo hadal qaaday Sheekhu, isagoona shaaca ka qaaday in dagaalladii u dambeeyay ay khasaare adag ku gaarsiiyeen ciidamada Maraykanka iyo malleeshiyaadka uu isagu tababaray.

Sheekh Abuu Cabdalla wuxuu meesha ka saaray Qirashada Maraykanka ee ah in askari kaliya looga dilay howlgal ka dhacay deegaanka Baarka, afar kalana looga dhaawacay, balse wuxuu sheegay in khasaaruhu intaas ka badanyahay.

Halkan ka dhagayso Q:2-aad Waraysiga Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.