Waaliga Jubbooyinka Oo ka Warbixiyay Xaaladda Guud ee Wilaayada.(Dhagayso Qeybta Koowaad)

Waaliga Wilaayada Islaamiga ee Jubbooyinka Sheekh Maxamed Abuu Cabdalla ayaa waraysi gaar ah waxa uu siiyay idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan, kaas oo uu kaga warbixiyay xaaladda guud ee Gobollada Jubbooyinka.
Sheekha ayaa waraysigan qeybta koowaad ee uu siiyay Al-Furqaan waxa uu kaga waramay fatahaad uu dhawaan sameeyay webiga Jubbooyinka iyo sida ay uga falcelisay Wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka.
Waaliga waxa uu sheegay in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, haya’dda Al-Ixsaan iyo guud ahaan dadka muslimiinta ay kaqeyb qaateen gurmadka la gaarsiiyay 46 tuullo oo kamid ah Jubbooyinka, kuwaas oo la gaarsiiyay dadka muslimiinta ah ee uu saameeyay fatahaada Webiga.
Halkan ka dhagayso Qeybta koowaad waraysiga Waaliga Jubbooyinka uu siiyay Idaacadda Al-Furqaan.