Hay’adda Al-Ixsaan Oo gurmad hor leh gaarsiisay deegaao bu’aale  hoos taga.(Sawirro)

Deegaanka Booha ee hoostagta Bu’aale

Bulshada ku dhaqan deegaanada Soomba, Qoryaale iyo Booha oo hoos taga degmada Bu’aale ee gobalka Jubada-dhexe ayaa  loo qaybiyay raashin isugu jira bariis, sonkor iyo saliid, waxayna muujiyeen sida ay ugu faraxsan yihiin gurmadka uga yimid walaalahooda mujaahidiinta.

Qaar kamid ah bulshada deegaanadaan oo aan wareysanay waxay sheegayaan in wixii beeraha ku yiil oo dalag ahaa fatahaadda webiga Jubba la tagtay.

Dadku waxay sidoo kale helayeen dawooyin ay bixinayaan dhakhaatiirta hay’adda Al-Ixsaan.

Waxaa xusid mudan in dadkaanu aanay xoolo dhaqato ahayn ee noloshoodu beeraha ku tiirsaneyd sidaa daraadeed markii wixii u tacbanaa webigu qaaday  waxay ku soo dhaceen meel cidlo ah.

Deegaanada Booha, kan soomba iyo qoryaale waxay ku biireen diiwaanka deegaanada dadka ku dhaqan loo soo gurmaday laakiin dhibataada ka jirta ayaa ah mid balaaran.

Gudiga gurmadka wilaayada Jubbooyinka iyo hay’adda khayriga ah ee Al-Ixsaan oo kaashanaya qaar ka mid ah shacabka soomaaliyeed  ayaa ku dadaalay in loo gurmado dadka daadku dalagyadoodu xaaqeen.

Intii lagu guda jiray bishaan baraeysan ee Ramdaan waxaa jira deegaano badan oo dadka ku nool raashin iyo dawo la gaarsiiyay kuwaasoo ku nool wilaayada jubooyinka .

Waxaa lagu wadaa in deegaano kale oo jubbooyinka ka tirsan  dadka ku dhaqan la gaarsiiyo raashin iyo dawo intaba insha allaah.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.