Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Oo La wareegay Deegaanka Qalimow.
Gelinkii dambe ee maalintii shalay, ciidamo aad u hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gudaha u galay deegaanka Qalimow ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.
Ciidamada dowladda ayaa markii ay ogaadeen iney kusoo wajahanyihiin ciidamada Mujaahidiinta waxay ka firxadeen deegaanka, waxaana si nabadgeliyo ah Qalimow kula wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Saraakiisha hogaamineysay ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadka deegaanka, waxayna u jeediyeen muxaadaraad diini ah oo waxtar u leh shacabka muslimka ah.
Deegaankan oo ah mid istiraatiiji ah oo dhaca bartamaha wadada isku xirta Muqdisho iyo Jowhar, ayaa qiyaastii 30KM ka fog magaalada Jowhar ee xarunta gobolka shabeellaha-dhexe, waana markii labaad bilo gudahood oo ay Mujaahidiintu deegaankan la wareegeen.