Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Oo La Wareegay deegaanka Af-urur.

Boqollaal Askari oo aad u hubeysan, kana tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa aroornimadii hore ee saaka waxay galeen deegaanka Af-Urur ee gobolka bari, halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan maamulka Puntland.

Sida ay sheegayaan dadka deegaanka, ciidamada Mujaahidiinta ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaanka Af-urur, kadib markii gelinkii dambe ee shalay ciidamada maamulka Puntland ay isaga carareen Af-urur, iyagoo ogaaday in ciidamada Mujaahidiinta ay gaabiga kusoo hayaan.

Saraakiil iyo Ducaad katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo hogaaminaya ciidanka la wareegay Af-Urur ayaa kulamo iyo fadhiyo la leh waxgaradka iyo Duqowda deegaanka Af-Urur, waxayna ka wada hadlayaan arimo muhiim ah.

Saraakiisha Mujaahidiinta ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socoda ay meel fagaare ah kala hadlaan guud ahaan bulshada deegaanka, iyagoo kala hadli doona Ahdaafta Mujaahidiinta iyo inaaney u socon iney wax dhibaato ah gaarsiiyaan shacabka muslimiinta.

Deegaanka Af-Urur ayaa bishii Ramadaan sanadkii 1438-dii hijriyada wuxuu marti geliyay weerar ballaaran oo ay kusoo qaadeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana dagaalkaas lagu dilay inkabadan 50 askari, iyadoona Mujaahidiintu ku furteen hub iyo saanad millliteri oo aad u badan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.