Ciidamada Yahuudda Oo Xabsiga dhigay haweeney muslimad ah.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Dhawaan ciidamada Yahuudda ee xooga ku heysta dhulka Filastiin ee uu ku yaalo masjidka barakeysan ee Al-Aqsaa ayaa xabsiga dhigay haweeney muslimad ah oo kamid ah muslimiinta Filastiin.

Ciidamo katirsan Yahuudda ayaa xoog ku galay guriga Lamii Khaadhir oo ah Aqoonyahanad qoraa ah, islamarkaana qalinkeeda ku difaaci jirtay qadiyadaha muslimiinta Filastiin.

Baraha buslshada ayaa lagu baahiyay sawirka Lamii Khaadhir oo sagootineysay wiilkeeda da’da yar ee labo sano jirka ah, iyo iyadoo ay kaxeynayaan ciidamada Yahuudda.

Waxaa lagu soo waramayaa in baaritanno adag iyo su’aalo weydiin handadaad wadata kula kulantay gudaha xabsiga Casqalaan ee ay ku xirantahay, waxaana halis ah xaaladeeda maadaama ay horey u xanuunsaneyd.

Zowjka Lamii Khaadhir oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday inuu la kulmayay tahdiid maalmihii dambe uga imaanayay saraakiisha sirdoonka Yahuudda, islamarkaana xaaskiisa ay gacanta ku dhigeen.

Tallaabooyinka noocan ah ayay marar badan ku kaceen ciidamada Yahuudda, waxaana magaalooyinka daanta-galbeed ee uu ka taliyo maamulka  maqaar saarka ee Maxmuud Cabaas Abuu Maazin ay Yahuudu ka afduubtaan cida ay doonaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.