Ciidamo katirsan Dowladda Oo Lagu dilay Howlgal Ka dhacay Duleedka Muqdisho.

Deegaanka Jazeera ee dhaca duleedka magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay weerar qorsheysan oo lagu qaaday ciidamo katirsan dowladda.

Weerarka oo ahaa mid abaabulan oo qorsheysan waxaa lagu  dilay ciidamo katirsan dowladda federaalka, iyadoona Mujaahidiintu kula wareegeen hub.

Ugu yaraan 4 Askari oo katirsan dowladda ayaa lagu dilay weerarkaas, waxaana ciidamada Al-Shabaab ay soo qaateen qori nooca AK47 ah.

Howlgallada gaarka ah iyo dagaallada tooska ah ee lagu ugaarsanayo ciidamada dowladda iyo saraakiishooda ayaa joogta ah Muqdisho iyo nawaaxigeeda, waxaana weerarkan Jazeera ka dhacay uu imaanayaa iyadoo maalintii shalay qarax ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka Muqdisho lagu dilay 6 sarkaal oo katirsan mamulka dowladda hoose ee Banaadir.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.