Ciidamo katirsan Shisheeyaha Oo uu dagaal ku qabsaday Ceel-wareegow.
Kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha oo ka ambabaxay deegaanka Shalambood ayaa la kulmay weerar kamiin ah oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Ciidamada Shisheeyaha oo kusii jeeday magaalada Muqdisho ayaa iyagoo maraya deegaanka Ceel-wareegow ee duleedka Marka waxay la kulmeen weerar culus oo uga yimid dhanka Mujaahidiinta.
Dad Xog-ogaal ah oo aan la hadalnay waxay noo xaqiijiyeen in dagaalku yahay mid xoogan, islamarkaana la isku adeegsanayo hubka noocyadooda kala duwan.
Ciidamada Shisheeyaha oo xabadda lagu kediyay ayay xaaladu ku adagtahay, waxaana weli socoda dagaalka u dhexeeya ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab iyo Shisheeyaha.