Dagaal Ka dhacay Afgooye iyo Oday Dhaqan Lagu dilay Muqdisho.
Ciidamo katirsan Xarakad Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay dagaal ku qaadeen saldhigyo magaalada Afgooye ee Shabeellaha hoose ku leeyihiin ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Dagaalka oo in muda ah socoday, islamarkaana dadka deegaanka ay maqlayaan rasaasta la isku adeegsanayay ayaa la rumeysanyahay inuu geysatay waxyeello soo gaartay ciidamada dowladda.
Inkastoo faafaahin dheeri ah ka helin khasaaraha, hadana ilo lagu kalsoonaan karo waxay Al-Furqaan u xaqiijiyeen in ciidamada Mujaahidiinta ay gacanta ku dhigeen labo mooto oo ay lahaayeen ciidamada dowladda.
Dhanka kale waxaa gudaha magaalada Muqdisho lagu dilay mid kamid ah Odayaashii soo xulay baarlamaanka dowladda federaalka.
Ibraahim Cali Xasan oo kamid ahaa ergadii soo xushey xillibaanada ka yimid maamulka Koonfur-galbeed ayaa rag hubeysan waxay ku toogteen degmada Dharkenlay ee magaalada Muqdisho.
Raga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga baxsaday, waxaana dilkan uu kudaba feyalaa dilalka qorsheysan ee magaalada Muqdisho loogu geysto saraakiisha, xubnaha dowladda iyo Odoyaasha soo xulay baarlamaanka.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa horay ugu hanjabtay iney meel weliba ku beegsan doonto odoyaasha ka qeyb qaatay soo xulista Baarlamaanka dowladda federaalka.