Dagaal Ka dhacay Muqdisho iyo Sarkaal katirsan Dowladda Oo la dilay.

Habeenkii xalay waxaa magaalada  Muqdisho ka dhacay howlgallo kala duwan oo ay fuliyeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee sida firfircoon uga howlgala caasimadda.

Ciidamo katirsan Mujaahidiinta oo hubeysnaa ayaa weeraray  saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda oo ku yaala degmada Dharkenlay.

Askarta Mujaahidiinta waxaa u suuragashey iney la wareegaan saldhiga Sifeynta batroolka ee degmada Dharkenlay halkaas oo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda, waxaana la rumeysanyahay inuu jiro khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada dowladda.

Dhanka kale sarkaal sare oo katirsan milliteriga dowladda ayaa lagu dilay degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir.

Rag hubeysan oo katirsan Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xaafadda Jamhuuriya waxay ku toogteen Salaad Tariina oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda, waxaana lala dilay Askari ilaalo u ahaa.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda howlgallada ka dhacay magaalada Muqdisho.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.