Dayax Madoobaad Ka jira Soomaaliya iyo Caalamka.

Inta badan gobollada dalka Soomaaliya waxaa laga dareemayaa dayax madoobaad ballaaran, waxaana bisha ka muuqata madow baaxad leh.

Fiidnimadii caawa markii uu dayaxu si buuxda usoo baxay ayaa lagu baraarugay dayaxa oo madow, waxaana wilaayaadka islaamiga ah laga tukanayaa salaada Dayax Madoowaadka ee ay Shareecadu jideysay.

Xikmada ugu weyn ee Alle usoo diro calaamadahan iyo Aayadan ayuu ku sheegay in lagu cabsi geliyo basharka, waxaana dadka la gudboon iney Allaah u deg degaan, Towbad dhab ahna la yimaadaan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.