DEG-DEG: Ciidamada Al-Shabaab Oo Cagta mariyay Saldhig Ciidamada Dowladda Ku lahaayeen Deegaanka Baarka.
Aroornimadii hore ee saaka ayaa guutooyin katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab oo aad u qalabeysan waxay duulaan ku qaadeen saldhig ciidamada Maraykanka ka hoos shaqeeya ku leeyihiin deegaanka Baarka duleedka magaalada Kismayo ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka kahor waxaa la maqlay jug weyn oo u muuqata inuu ahaa qarax weyn, waxaana markaas kadib billowday dagaal faraha looga gubtay oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa dowladda ee ku sugnaa deegaanka Baarka.
Waxaa lagu soo waramayaa in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay gebi ahaanba la wareegeen saldhiga, halkaasna ku dileen ciidamo aad u farabadan.
Firxadka askartii ka bad-baaday rasaasta Mujaahidiinta ayaa u baxsaday dhanka deegaanka Buula-Guduud oo u dhow deegaanka Baarka.
Maydad aad u badan ayaa daadsan gudaha xerada, waxayna ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab dagaalka ku qabsadeen saanad milliteri.
Wixii soo kordha waan soo gudbin doonnaa Inshaa’Allaah.