DEG-DEG: Qarax Culus iyo Rasaas Laga maqlayo Nawaaxiga Madaxtooyada.
War goordhow kusoo dhacay warqabadka Idaacadda islaamiga ee Al-Furqaan wuxuu ku waramayaa in qarax aad u culus laga maqlay nawaaxiga xarunta madaxtooyada Villa-Soomaaliya ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.
Qaraxa waxay dadweynaha sheegayaan in jugtiisa si weyn looga maqlay inta badan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana loo maleynayaa inuu yahay qarax loo adeegsaday gaari miineysan.
Qaraxa kadib waxaa la maqlay rasaas xoogan oo ay is dhaafsanayaan rag hubeysan iyo ciidamada dowladda.
War kale oo inta aan qoraalkan wadney nasoo gaareyna wuxuu sheegayaa in la maqlayo qarax kale oo ka xoog badan kii koowaad.
Wixii kusoo kordha waan soo gudbin doonnaa Dhagaystayaal.