Halkan ka dhageyso barnaamijka diirada jumcaha.
Deegaanka Tardo ee gobalka Hiiraan waxaa ka dhacay kullan ballaaran una dhaxeeyay wilaayada Hiiraan iyo Saddex jufo oo katirsan beesha xawaadle.
shirka ayaa looga hadlay maleeshiyaad shaati beel huwan oo gadaal ay kasoo riixayso xabashida itoobiya iyo jabuutiyaanka.
Kulanka dhex maray jufooyinka beesha xawaadle iyo wilaayada ayaa looga hadlay ku dhaqanka shareecada islaamka iyo in maleeshiyaadka meel looga soo wada jeesto.
Haddaba diirada waxaa lagu casuumay odayaal iyo waxgarad xawaadle katirsan oo faafaahiyay wixii la isla gartay ee lagu heshiiyay.