Hogaamiye katirsan Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan Oo shahiiday, iyo Imaarada Oo war kasoo saartay.
Bayaan kasoo baxay Imaarada Islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa lagu xaqiijiyay istish-haadka waaligii wilaayada islaamiga ee Kabiisa wadanka Afqaanistaan Mullaa Muxamed Nasiim Mushfiq.
Waxaa waaliga wilaayada Kabiisa sidoo kale la shahiiday waaligii degmada Tajaab ee isla gobolkaas Qaari Ixsaanullaahi Cuthmaan iyo labo mujaahid oo kale.
Imaarada islaamiga ah ee Afqaanistaan ayaa shaacisay in ragan ay ku shahiideen howlgal dhagreysan oo ay soo qaadeen ciidamada gumeysiga ee xooga ku jooga dalka muslimka ah ee Afqaanistaan tan iyo sanadkii 2001-da.
“Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waa guriga shuhadada, rajada ugu sarreysa ee rageeda waaweyn iyo kuwa yar yarba ay leeyihiin waa shahaadada iyo Nafhurka wadada Alle, sidaas darteed waxaan istish-haadka Wullaada iyo waaliyaasha degmooyinka iyo raga kaleba u aragnaa iney tahay Nasri iyo liibaan” ayaa lagu yiri war kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.
Bayaanka kasoo baxay Imaarada waxaa tacsi loogu diray ehellada raga shahiiday iyo saaxibadooda, waxaana Alle looga baryay inuu sabarsiiyo, raga shuhadadana uu Alle ka aqbalo shahaadadooda.
“Waxay Imaarada Islaamiga ah xusuusineysaa cadowga inaaney u suurageleynin iney jebiyaan Mujaahidiinta, marka ay dilaan hogaamiyaashooda, iskaba dhaafe istish-haadkooda waa mid kamid ah asbaabaha sii socoshada Jihaadkeena, Nafhurkan badan Inshaa’Allaah wuxuu sabab u noqon doonaa ciribtirka gumeystaha, iyo in nidaam islaami ah lagu soo rogo dalka, nabad geliyana ku noolaadaan reer Afqaanistaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.
Dhowr jeer oo hore ayay ku guuleysteen Maraykanka iney dilaan qaar kamid ah madaxda mujaahidiinta Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan, iyagoo iska dhaadhicinaya in dilka hogaamiyaasha ay saameyn ku yeelan doonto Jihaadka iyo halganka, balse waayuhu wuxuu sugay in marka uu shahiido hogaamiye mujaahid uu bedelkiisa soo baxo hogaamiye kale oo sii amba qaada manhajkii iyo ujeedooyinkii uu u dagaalamayay hogaamiyaha shahiiday.
Istish-haadka waaligii wilaayada islaamiga ee Kabiisa ayaa yimid iyadoo dalka Afqaanistaan uu si dardar leh uga socda howlgalka Jihaadiga ee Al-khandaq, kaas oo si adag u beegsanaya Shisheeyaha iyo kaaliyaashooda xukuumadda Kaabul.