Imaaraatka Oo sheegay in si kumeel gaar ah u joojiyay Howlgalka Al-Xudeyda ee Yaman.
Iyadoo magaalada dekadda leh ee Al-Xudeyda ee wadanka Yaman ay ka socdeen dagaallo culus iyo howlgallo ay ku dhawaaqeen taxaalufka Carbeed, kuwaas oo ka dhan ah malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayay dowladda Imaaraatku sheegtay in si kumeel gaar ah u joojisay howlgalladaas.
Wasiiru-dowlaha arimaha dibadda Imaaraatka Anwar Qarqaash ayaa bartiisa twitterka wuxuu kusoo qoray war kooban oo uu ku sheegayo in Imaaraatku joojiyay howlgalladii uu ka waday Al-Xudeyda.
Qarqaash waxa uu sheegay iney doonayaan in fursad la siiyo dadaallada uu wado wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Yaman, si dekadda Al-Xudeyda shuruud la’aan loogu wareejiyo Imaaraatka.
“ Waan soo dhaweyneynaa dadaallada uu bixinayo wakiilka Qaramada Midoobay ee arimaha Yaman si magaalada Al-Xudeyda iyo dekadaba uga baxaan Xuuthiyiinta” ayuu ku yiri Anwar Qarqaash qoraal ku qoran luuqadda Englishka oo uu ku daabacay bartiisa twitterka.
Al-Xudeyda ayaa tan iyo bishii hore waxay marti gelineysaa dagaallo dhexmaraya Xuuthiyiinta iyo Taxaalufka carbeed oo ay ka garab dagaallamayaan ciidamada xukuumadda taagta daran ee Yaman, waxaana Taxaalufku doonayaa inuu la wareego gacan ku heynta magaalada.