Kudhawaad 10 Askari Oo lagu dilay Qarax ka dhacay Laamu.

Qarax culus ayaa lala helay gaari ay wateen ciidamo katirsan dowladda Kenya oo marayay gobolka xeebta dhaca ee Laamu ee kamid ah dhulalka muslimiinta ee ku jira dowladda Kenya.

Qaraxa oo si toos ah u haleelay gaariga hadafka ahaa ayaa gebi ahaanba burburiyay gaariga, waxaana goobta ka dhashey khasaare lixaad leh oo gaaray ciidamada Kenya.

Ugu yaraan 7 Askari Kenyaan ah ayaa ku dhintay qaraxan, waxaana laga yaabaa iney jiraan dhaawacyo kale.

Dhanka kale saldhiga ciidamada Kenya ee deegaanka Fafaxdhuun ayaa la kulmay duqeyn madaafiic ah oo ay ku garaaaceen ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Tobaneeyo madfac ayaa ku dhacay gudaha saldhiga Kenyaatiga ee Fafaxdhuun, waxaana la arkayay uuro iyo qiiq madow oo ku kacay teendhooyinka saldhiga.

Lama hayo khasaaraha rasmiga ee ay duqeyntan ay geysatay, waxaana ay qeyb ka tahay howlgallada ka dhanka ah shisheeyaha duulaanka ku jooga Soomaaliya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.