Kudhawaad 10 ruux oo ku waxyeeloobay weerar ka dhacay Jarmalka.

Wararka ka imaanaya wadanka Jarmalka ayaa sheegaya in dalkaas uu ka dhacay weerar khasaare dhaliyay oo lagu qaaday dad u dhashey wadanka Jarmalka.

Qof ku hubeysan mindi ayaa weeraray dad saarnaa gaari rakaab ah, wuqooyiga dalka Jarmalka.

Ugu yaraan 9 ruux ayaa dhaawacantay, waxaana dhaawacyada qaarkood ay yihiin kuwa liita maadaama dhowr jeer ay mindidu haleeshey qeybo kamid ah jirkooda.

Saraakiil u Hadley laamaha Amaanka waxay xaqiijiyeen in qofka weerarka fuliyay oo ah nin rag ah islamarkaana 35 jir ah ay Police-ku gacanta ku dhigeen, su’aalana la waydiinayo.

Sababaha keenay in weerarka uu fuliyo ayay ka gaabsadeen hay’adaha Amaanka, iyagoona sheegay inuu socodo baaritaanno lagu ogaanayo arintaas.

Maanta oo Sabti ah ayaa la filayaa in maxkamad lasoo taago ruuxa weerarka fuliyay, waxaana sanadihii dambe wadamada Reer-galbeedka kusoo kordhayay weerarada noocan ah, kuwaas oo qaarkood ay fuliyaan rag muslimiin kaligood duuliyaal ah oo ka careysan dhibaatada Reer-galbeedku ku hayo Muslimiinta Adduunka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.