Maamulka Afgembiga Masar Oo sii kordhiyay Bandowga saaran gobolka Seynaa.
Gobolka Seynaa ee dalka Masar waxaa uu la kulmayaa xamlo militeri oo dulmi badan, taas oo ay kusoo qaadeen gobolkaas iyo dadka degan ciidamada Afgembiga xukuumadda Masaarida.
Xukuumadda Masar ayaa shaaca ka qaaday in la kordhiyay waqtiga ay sii soconeyso xaaladda deg-dega ah ee la geliyay wadanka Masar gaar ahaan gobolka Seynaa, waxaana taas darteed sii kordhay bandowga saaran gobolkaas.
Ra’iisul wasaaraha Masar Mustafa Madbuuli ayaa war uu soo saaray wuxuu ku sheegay in xaaladda deg-dega ah ee saaran guud ahaan Masar lagu kordhiyay saddex bilood oo dheeraad ah, taas oo ka bilaabmeysa 14 bishan July.
Bandowga ayaa gaar ku ah deegaanno hoosyimaada magaalada Rafax iyo Al-cariish ee gobolka Seynaa, waxaana mamnuuc ka ah dadka deegaannadaas iney kasoo baxaan guryahooda, taas oo cadaab iyo tacdiibin ku ah dadka muslimiinta.
Ciidamada Afgembiga Masaarida ee jooga deegaannadaas ayaa si bareer ah u dila dadka shacabka ah ee ay arkaan, mana jirto cid ka hadleysa ama ka dhiidhineysa dulmigaas.
Bandowga saaran deegaannadaas waxay Xukuumadda Masar ku dooneysaa iney kaga hortagto weerarada Jamaacaatka Jihaadiga ee jooga halkaas ay kusoo qaadayaan ciidamada Masaarida.
Hay’adaha sheegta xuquuqda Insaanka ayaa marar badan ka marqaati kacay dhibaatada iyo dulmiga ka jira gobolka Seynaa, kaas oo ciidamada Masar ay u geysanayaan dadka shacabka ah.