Madaxweyne Trump Oo shaaciyay inuu diyaar u yahay inuu la kulmo Xassan Ruuxaani.

Iyadoo todobaadyadii tagay madaxda wadamada Iiraan iyo Maraykanka ay hawada isku marinayeen hanjabaadyo iyo weeraro afka ah ayaa madaxweynaha Maraykanka Donald Trump wuxuu shaaca ka qaaday inuu diyaar u yahay la kulanka madaxweynaha Iiraan Xassan Ruuxaani.

Trump ayaa sheegay in si shuruud la’aan ah uu u ogolyahay inuu la fadhiisto dhigiisa dalka Iiraan, kana wada hadlaan khilaafaadka u dhexeeya labada dal.

“Waan la kulmi doonaa Iiraaniyiinta haddii ay doonayaan, mana oga in arintaas ay diyaar uyihiin” ayuu yiri Trump, isagoo sii raaciyay “ qof weliba waan la kulmayaa, waxaan rumeysanahay kulamada, gaar ahaan xaalad dagaal marka ay tagaantahay”.

Jawaabtii ugu horeysay ee dowladda Iiraan ay ka bixisay kulanka uu ku baaqay Trump ayaa ahayd iney soo dhaweynayaan, balse Trump ay ka sugayaan inuu ixtiraamo nidaamka ka dhisan Iiraan.

La taliyaha xafiiska Xassan Ruuxaani ninka lagu magacaabo Xumeyd Abuu Dhaalibi ayaa sheegay in dhankooda ay diyaar u yihiin kulanka, balse marka hore Maraykanka laga rabo inuu kusoo laabto heshiiska Nuclearka ee dhawaan ay ka baxeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.