Magaalooyinka Kufriya iyo Al-Fowca ee gobolka Idlib oo laga barakiciyay Shiicada.

Dhamaan dadkii shiicada ahaa ee ku go’doonsanaa mudada dheer magaalooyinka kufriyaa iyo Al-fowca ee gobolka Idlib ayaa gebi ahaanba laga daabulay halkaas, iyagoo aaday dhanka magaalooyinka uu Nidaamku ka taliyo.

Dhowr gaari oo noocyada basaska ah oo markii hore soo qaaday qaar kamid ah dadka kasoo barakacay koonfurta Suuriya ayaa laabtay iyagoo wada boqollaal ruux oo kamid ah dadka shiicada ee ku go’doonsanaa gobolka Idlib.

Dadkan shiicada ah gaar ahaan inta shacabka ah ayaa aaday deegaannada dhaca baadiyaha gobolka Xalab.

Malleeshiyaadka shiicada ee ciidamada ah unbaa kusoo haray magaalooyinka Kufriyaa iyo Al-fowca.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.