Nabadoon Katirsan Ergada Oo Hiiraan Lagu dilay.

Rag hubeysan ayaa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan bartamaha dhulkeena Soomaaliya waxay ku toogteen mid kamid ah Ergada soo xulay Baarlamaanka dowladda federaalka.

Cabdi Cali Gareen ayaa dhowr xabadood oo ka dhacda bastoolada looga dhuftay qeybaha sare ee jirkiisa, wuxuuna durba ku quur baxay goobta.

Raga dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana goor dambe goobta soo gaaray ciidamo katirsan dowladda.

Dilalka iyo ugaarsiga gaarka ah ee lagu hayo odoyaasha ka qeybgalay soo xulista Baarlamaanda federaalka ayaa aad usoo kordhaya mudooyinka, waxaana muuqata in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ka dhabeyneyso hanjabaadeedii ahayd iney meel weliba ku beegsan doonto Odoyaasha soo xulay xubnaha Baarlamaanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.