Nin cadaan oo dad qoxooti ah ku weeraray wadanka Maraykanka.
Muwaadin cadaan ah oo u dhashey dalka Maraykanka ayaa weeraray dad qoxooti ah oo ku sugan gudaha dalkaas, kuwaas oo kamid ah dadka soo gala Maraykanka ee kasoo taga wadamadooda.
Xaafad ay magaalada Boise ee gobolka IDAHO ka degnaayeen dadkan qaxootiga ah ayuu weerarku ka dhacay, waxaana ka dhashey waxyeelo iyo dhaawacyo soo gaaray dadkii joogay goobtaas.
Ugu yaraan 9 ruux ayaa dhaawacntay, kuwaas oo ay ku jiraan caruur da’ yar, waxaana qaar kamid ah dhaawacyada ay xaaladooda tahay mid liidata, iyadoo ay macquul tahay in saacadaha soo socoda ay dhintaan.
Saraakiisha booliiska ee gobolka oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay iney aqoonsadeen ruuxa weerarka fuliyay oo lagu magacaabo Temy Kare oo 30 jir ah.
Booliiska waxay sheegeen ineysan weli ogeyn sababaha keenay weerarkan, balse sida muuqata waxaa weerarka fuliyay dadka cunsuriyiinta ah ee taageersan siyaasadda Trump ee ku dhisan naceybka dadka soo galootiga ah.