Qaraxyo Lagu weeraray Goobo Muhiiim ah Oo Muqdisho Ka dhacay.
Habeenkii xalay, waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay weeraro qaraxyo ah oo lagu weeraray goobo ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda federaalka.
Qaraxyada Xalay ay Muqdisho marti gelisay oo gaaraya illaa iyo labo qarax waxaa lagu weeraray xarunta degmada Howlwadaag iyo isbaaro ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.
Qaraxa koowaad oo ahaa nooca gacanta laga tuuro ee bambada ayaa lagu weeraray gudaha xarunta degmada Howlwadaag oo xilligaas ay ku sugnaayeen ciidamo katirsan dowladda.
Qaraxa kadib askarta ayaa rasaas ooda ka qaaday, waxayna ka baqayeen in ciidamo katirsan Mujaahidiinta ay xarunta soo galaan.
Howlgalka labaad ee qaraxa ahaa waxaa lagu weeraray ciidamo joogay isbaaro ku taalla wadada hormarta Jaalle-Siyaad.
Howlgallada Mujaahidiinta ayaa joogta ka ah Muqdisho, waxaana qaraxyadii xalay ka horeeyay weeraro toos ah oo ka dhacay habeen hore qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.