Saldhiga Xalane ee Muqdisho Oo Madaafiic Lagu garaacay.
Guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa duqeeyay saldhiga Xalane oo ah saldhiga ugu weyn ee Shisheeyaha kuleeyihiin dalka Soomaaliya.
Weerarka oo loo adeegsaday madaafiicda ka dhacda qoriga hoobiyaha ayaa dhacay barqanimadii maanta, xilli Xalane uu ka jiray mashquul aad u badan, ayna ku sugnaayeen saraakiil sar sare oo katirsan AMISOM.
Illaa iyo todobo madfac ayaa ku dhacday gudaha saldhiga Xalane, waxaana jiri kara khasaare nafeed iyo mid hanti intuba, iyadoona ay xusid mudantahay in daqiiqadihii ay duqeyntu socotay gebi ahaanba ay istaagtay shaqadii ka socotay Xalane.
Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda duqeyntan lagu garaacay saldhiga Xalane oo ah taliska Shisheeyaha ee dalka Soomaaliya.