Sarkaal iyo Ciidamo katirsan maamulka Galmudug Oo lagu dilay Mudug.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa howlgal ka sameeyey duleedka deegaanka Caad oo dhawaan marti geliyay dagaal adag oo dhexmaray ciidamada Mujaahidiinta iyo kuwa maamulka Galmudug ee Xaaf uu hogaamiyo.

Howlgalkan ay ciidamada Mujaahidiinta ka sameeyeen duleedka deegaanka Caad waxaa lagu dilay ciidamo iyo sarkaal sare oo katirsan maamulka Galmudug, kuwaas oo ay soo hubeysay dowladda Itoobiya, dhawaana weerar kusoo qaaday deegaannada Mujaahidiinta.

Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Shariif Dhagacade, waxaana lala dilay 8 askari oo katirsan maamulka Galmudug.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in dagaallo maalmihii lasoo dhaafay wilaayada Mudug kula galeen ciidamada maamulka Galmudug ay ku dileen ugu yaraan 25 askari oo ay ku jiraan labadii sarkaal ee heysatay ciidamadan duulaanka soo qaaday.

Hadafka malleeshiyadan ay soo hubeysay dowladda Itoobiya ayaa ahaa iney furan wado isku xirta dhulka Soomaali-galbeed ee gumeysiga Itoobiya ku jira iyo magaalada dekadda leh ee Hobyo, taas oo ay xabashidu doonayaan iney kala soo degaan waxyaabaha ay doonayaan.

Maamulka islaamiga ee Mudug ayaa horay shaaca uga qaaday iney ka hortagi doonaan isku dayada ay wado dowladda Itoobiya ee ay ku dooneyso iney ku furato wada ay marsato ganacsiga uga yimaada dibadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.