Sarkaal Katirsan Police-ka Dowladda Oo Goordhow Muqdisho Lagu Toogtay.
Warar goordhow naga soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa shaacinaya in halkaas lagu dilay sarkaal katirsan Police-ka dowladda federaalka.
Sarkaalka la dilay waxaa lagu magacaabaa Cabdi Cali, waxaana dilay rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Degmada Yaaqshiid ayuu ka dhacay dilka sarkaalka, waxaana goobta si nabad ah uga tagay raga dilka geystay.
Howlgallada iyo ugaarsiga lagu hayo saraakiisha dowladda iyo xubnahooda ayaa kusii badanaya magaalada Muqdisho.
Dilka sarkaalkan ayaa imaanayaa iyadoo xalay weerar qorsheysan oo ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Dayniile lagu dilay sarkaal iyo ciidamo katirsan dowladda, waxaana ciidamada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay soo qaniimeysteen saddex qori iyo bastoolad.