Sarkaal Lagu dilay Dagaal ka dhacay Degmada Dayniile.
Ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar qorsheysan ka fuliyay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Howlgalkan oo ahaa mid gaar ah, islamarkaana qorsheysnaa ayaa lagu dilay sarkaal katirsna ciidamada dowladda, iyadoona lagu soo furtay hub kala duwan.
Inkastoo aynaan helin magaca sarkaalka lagu dilay howlgalkan, hadana ilo lagu kalsoonaan karo waxay noo xaqiijiyeen in lagu soo furtay howlgalka saddex qori oo AK47 ah iyo Bastoolad.
Ciidamada millitriga iyo guutooyinka Amniyaadka ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sii laba jibaaray howlgallada ay ka wadaan magaalada Muqdisho ee lagu beegsanayo saraakiisha iyo xubnaha dowladda federaalka.