Sawirro: Horumar Laga Dareemayo Suuqyada Xoolaha Wilaayada Islaamiga Ah Ee Bay Iyo Bakool.

Horumar weyn ayaa laga dareemayaa suuqyada xoolaha ee wilaayada islaamiga ah ee Bay iyo Bakool, taasoo ay ugu wacan tahay nidaamka iyo kala dambeynta ay Xarakada Al-Shabaab ku hogaamineyso bulshada.

In badan oo kamid ah degmooyinka iyo degaanada wilaayada oo aan safar shaqo ku tagnay ayaa waxaan ku arkeynay dhismayaal cusub oo kuwa ganacsiga u badan, suuqyo cusub iyo dad gobolo kale uga soo badeeco doonanaya.

Tusaalaha qura ee aan maanta ka bixineyno horumarka ayaa waxaan usoo qaadanaynaa suuqa xoolaha ee magaalada Buulo Fullaay, kaasoo laga helo Ariga, Lo’da iyo Geela.

Suuqan oo maalinta Isniinta ah uun shaqeyn jiray, ayaa hadda noqday mid maalin walba furan oo xoolo badan lagu kala iibsado.

Waxaanu la kowsannay xilli uu mashquul badani ka jiray islamarkaana lagu kala gadanayay sadaxda nooc ee xoolaha, waxaana ay ganacsatada iyo dullaaliintu inoo sheegeen iney nool yihiin xilligoodii ugu fiicnaa, nabadda iyo ku dhaqanka shareecada islaamka awgeed.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.