Sheekh Cabdil-caziiz Al-fowzaan oo lagu xiray dhulka Xarameynka.

Sida uu shaaciyay xisaab barta Twitterka ka diiwaan gashan, soona tabiya wararka la xiriira raafka maamulka Aala-Sucuud uu ku hayo culimada iyo cid weliba oo uu kaga cabsi qabo iney ka hor timaado tallaabooyinka uu wado, waxaa la xiray sheekh Cabdil-caziiz Al-fowzaan.

Ciidamo katirsan Amaanka maamulka Aala-Sucuud ayaa xiray Cabdil-caziiz Al-fowzaan oo kamid ah culimada ku dhaqan Xarameynka, waxna ka dhiga jaamacadaha dhulkaas ku yaala.

Labo todobaad kahor ayaa Sheekh Cabdil Caziiz Al-fowzaan waxaa laga mamnuucay safarada dibadda iyo inuu isticmaalo baraha bulshada, kadib markii uu bartiisa twitterka ku qoray hadal kooban oo uu kaga digayo in qeyb laga noqdo xamlada ka dhanka ah diinta islaamka.

Wadaadkan oo kamid ahaa culimada sida aadka ah u taageersan Aala-Sucuud, manaabiirtana ka difaaci jiray siyaasadahooda iyo dhaqankooda ayaa waxaa muuqata in intaas ay u shafeeco qaadi weysay, maantana la dhigay isagoo miskiin ah xabsiyada tobanaan sano kahor lagu xiray culimada Rabaaniyiinta sida Sheekh Khaalid Raashid, Sheekh Naasir Al-calwaan iyo kuwa kale.

Lama oga xabsiga rasmiga ah ee la dhigay sheekh Cabdil-caziiz Al-fowzaan, waxaana xiritaankiisa uu ku feelayaa tobanaan ruux oo bilo gudahood maamulka Aala-Sucuud uu xiray.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.