Wadooyinka Muqdisho Oo si lama filaan ah Loo Xiray.

Ciidamo katirsan dowladda federaalka ayaa si lama filaan ah waxay u xireen wadooyinka ugu muhiimsan ee magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wadooyinka xiran waxaa kamid ah jidka istiraatiijiga ah ee Makka Al-mukarrama, sidoo kale majirto gaadiid isaga kala gudbi kara wadooyinka Jidka wadnaha iyo Makka Al-Mukarrama.

Gaadiidka dadweynaha oo ay saaranyihiin dad farabadan oo aan ku talagelin xirnaanshaha wadooyinka ayaa ku xaniban jid cadayaasha magaalada Muqdisho, waxaana la ogeyn sababaha arintan keenay.

Ganacsatada, Ardeyda iyo gudu ahaan dadweynaha isaga kala gudba degmooyinka magaalada Muqdisho, xilliyada duhuradiina ku laaban jiray xaafadahooda ayaa la arkayaa iyagoo lugeynaya, islamarkaana ka xun wadooyinka laga xiray.

Ciidamada ayaa si adag oo qallafsanaan ay ka muuqato ula dhaqmaya shacabka iyo gaadiidka, waxaana ay ku hanjabayaan iney rasaas la dhacayaan haddii amarkooda loo hogaansami waayo.

Xirista wadooyinka ayaa imaaneysa iyadoo dhawaan ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar culus ku qaadeen xarunta wasaaradaha Amniga iyo Gudaha ee magaalada Muqdisho, waxayna ku dileen inakbadan 30 ruux oo dhamaantooda ah saraakiil iyo xubno katirsan dowladda federaalka.

Saraakiil katirsan laamaha amaanka ee dowladda federaalka ayaa loo xiray weerarkii wasaaradaha, kuwaas oo lagu eedayay ineysan gudan howshooda, kana hortagi waayeen ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.