Weerar Nafhurnimo oo lagu dilay Askar Maraykan ah oo ka dhacay Afqaanistaan.

Istish-haadi katirsan guutada Istish-haadiyiinta ee Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan ayaa camaliyad ku beegsaday ciidamo katirsan dowladda Maraykanka oo duulaan 17 sano jirsaday ku joogta wadanka muslimka ah ee Afqaanistaan.

Camaliyadan oo qeyb ka ah howlgalka guga ee Al-khandaq ee ay sanadkan kaga dhawaaqday Imaarada islaamiga wadanka Afqaanistaan ayaa lagu beegsaday kolonyo ciidamo Maraykan ah oo ku socdaalayay wilaayada Lowjar.

Istish-haadiga weerarka fuliyay oo lagu magacaabo Mullaa Cabdullaahi, kana soo jeeda gobolka Baktiika ayaa isagoo kaxeynaya gaari miineysan oo laga buuxiyay walxaha qarxa, wuxuu bartanka ka istaagay kolonyada ciidamada Maraykanka, isagoona halkaas ku fuliyay camaliyadda istish-haadiga ah.

Ciidamada Maraykanka ee la kulmay weerarka istish-haadiga ah waxay kusii socdeen saldhig ay ku leeyihiin deegaanka Khadar ee wilaayada Lojwar, waxaana socdaalkoodii diin la dirirka ahaa uu isku bedelay tacsi iyo ooyin.

Ugu yaraan 5 askari oo katirsan ciidamada Maraykanka ayaa ku dhintay camaliyadan, iyadoona ay gubteen labo gaari oo noocyada gaashaman ah oo ay wateen ciidamada dowladda Maraykanka.

War kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxaa lagu sheegay in camaliyadan ay jawaab u ahayd tacadiyada joogtada ah ee ciidamada Maraykanku ka geystaan wilaayada Lowjar.

Diyaaradaha Maraykanka ayaa marar badan waxay duqeymo ku garaaceen deegaannada Shareecada islaamka lagu maamulo ee katirsan wilaayada  Lowjar, waxaana duqeymahaas ku shahiiday dad aan waxba galabsan oo muslimiin ah oo  ay dumar iyo caruur kamid yihiin.

Waxaa sidoo kale mararka qaar dhaca weeraro inzaal ah oo ciidamada Ameerikaanku xilliyada habeenkii si dhuumasho ugu soo qaadaan deegaannada gobolkan, kuwaas oo iyagana argagax iyo cabsi ku beeray dadka maatida ah.

Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan waxay bayaanka ay soo saartay ku sheegtay in weerarkan ay xigi doonaan weeraro ka culus, kana saameyn badan oo ay la eegtaan ciidamada Maraykanka ee jooga Afqaanistaan, gaar ahaan gobolka Lojwar.

“Weerarkan wuxuu fariin u yahay gumeystayaasha Maraykanka, taas oo ah inaaney dhulka Afqaanistaan ka heli doonin meel ay cagta si nabad ah ku dhigaan, weerarkanna ma noqon dooni kii ugu dambeeyay,waxaana idin sugaya weeraro ka waaweyn, kana xanuun badan, waxaadna guran doontaan miraha ka dhasha jariiimooyinka iyo xadgudubyada aad geysanayaan” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Imaarada Islaamiga ee Afqaanistaan.

Dhamaan gobollada kala duwan ee dalka Afqaanistaan  waxaa ka socoda howlgalka Al-khandaq oo gugii lasoo dhaafay ay ku dhawaaqday Imaarada islaamiga ee Afqaanistaan, waxaana tan iyo markii howlgalkaas lagu dhawaaqay Imaaradu  dishey kumanaan askari oo isugu jira Shisheeyaha iyo kuwa dowladda taagta daran ee Kaabul.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.