Xuuthiyiinta oo diyaarad duuliye la’aan ah ku weeraray magaalada Riyaad ee xarunta maamulka Aala-Sucuud.

Malleeshiyaadka Xuuthiyiinta ee ka dagaalama wadanka Yaman ayaa sii kordhinaya awoodooda dhanka meydaanka, iyagoona dhowr jeer sawaariikh ku garaacay magaalooyinka maamulka Aala-Sucuud uu ka taliyo.

Xuuthiyiinta ayaa sheegtay in diyaarad duuliye la’aan ah ku weerareen mid kamid ah xarumaha lagu sifeeyo batroolka ee hoostaga shirkadda Aramaako, kuna yaala magaalada Riyaad ee caasimadda maamulka Aala-Sucuud.

Diyaaradda dronta ayay sheegeen in lagu magacaabo As-samaad2, waxayna sida ay sheegayaan gantaal ku dhufatay xarunta shirkadda Aramaako, taas oo keentay inuu  dab ka kaco.

Dhanka kale shirkadda Aramaako war ay sooo saartay waxay ku sheegtay inuu dab kooban uu ka kacay mid kamid ah xarumaha lagu sifeeyo batroolka ee  ku yaala magaalada RIyaad.

Shirkadda ma sheegin sababaha rasmig ah ee keenay dabka, waxaana suuragal ah iney run tahay sheegashada Xuuthiyiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.