wararka

7 Askari Oo kamid ah Ciidamada Yugaandha Oo Lagu dilay Shabeellaha hoose.

Waa ciidamo katirsan guutada Sheekh Abuu Zubeyr oo ka dagaalamaya Jannaale 2015

Khasaare culus ayaa ciidamada Shisheeye ee Yugaandha ku gaaray kamiin adag oo ay u dhigeen ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Kamiinkan oo ahaa mid adag ayaa ka dhacay duleedka degmada Qoryoolay ee gobolka Shabeellaha hoose, waxaana dhimasho iyo dhaawac ku noqday ciidamo katirsan dowladda Yugaandha.

Waxaa la xaqiijiyay in kamiinkaas ay ku dhinten 7 askari oo Yugaandhees ah, halka ay ku dhaawcmeen tiro kale.

Howlgallada ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta, kana dhanka ah Shisheeyaha ayaa ku socoda si dar dar leh oo xowli ah, waxaana sii kordhaya khasaaraha gaaraya Shisheeyaha.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*