AMISOM Oo Lagu Weeraray Muqdisho iyo Shabellaha hoose.

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho waxay sheegayaan in qaraxyo silsilado ah oo is xig xigay lagu weeraray kolonyo katirsan ciidamada Shisheeyaha oo marayay qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Ciidamada Shisheeyaha waxay qaraxyadu qabsadeen iyagoo maraya isgoyska SOS ee degmada Huriwaa ee gobolka Banaadir.

Ugu yaraan Qaraxyadu waxay gaarayaan 3 qarax oo aad looga maqlay jugtooda qeybo kamid ah magaalada Muqdisho.

Waxaa la rumeysanyahay in qaraxyadaas ay geysteen khasaare lixaad leh, balse weli maynaan helin faafaahin rasmi ah.

Sidoo kale ciidamada Shisheeyaha waxaa lagu weeraray inta u dhexeysa magaalooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka kala tirsan gobollada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe.

Labo kamiin oo midi uu weli socodo ayay ciidamada Shisheeyuhu ku dheceen, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Waxaa sii kordhaya khasaaraha gaaraya ciidamada Shisheeyaha maadaama ay sii kordheen weerarada iyo howlgallada ay fulinayaan ciidamada Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.