Askar katirsan Maamulka Koonfur-galbeed Oo La dilay.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa gacanta ku dhigay askar katirsan maamulka Koonfur-galbeed, kuwaas oo baxsad u ahaa dhanka magaalada Xudur ee gobolka Bakool.

Askarta la dilay waxay tiradoodu gaarayaan labo askari, waxayna kasoo baxeen magaalada Baydhabo kadib khilaafaad soo kala dhexgalay iyaga iyo saraakiishooda, waxayna kusii jeedeen magaalada Xudur.

Ciidamo katirsan Mujaahidiinta ayaa jidka u galay askartan, kuwaas oo iyagoo nool gacanta lagu dhigay, waxaana markaas kadib lagu fuliyay dil toogasho ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.